Qiimaha Dahabka oo La Filaayo in uu Sii Kordho oo uu gaadho $3,700 ilaa $4,500 dhamaadka 2025

Dahabku xaalad noocee ah ayuu hada ku jiraa?

RedSeaWaves — Goldman Sachs, oo ka mid ah bangiyada ugu waa weyn ee maalgashiga dunida, ayaa si weyn u kordhisay saadaasheeda qiimaha dahabka, iyada oo hadda sheegtay in la filayo in halkii ounce uu qiimihiisu gaadho $3,700 marka la gaaro dhammaadka sanadka 2025, taas oo sare u kac weyn ku ah saadaashii hore ee ahayd $3,300. Sidoo kale, bangigu waxa uu sheegay in qiimaha dahabku u dhexeyn doono $3,650 illaa $3,950 halkii ounce.

Korodhkan saadaasha ah waxa sabab u ah dalab ka xoog badan sidii la filayay oo ka imanaya bangiyada dhexe ee dalalka, gaar ahaan kuwa Aasiya, kuwaas oo hadda la sheegay in ay iibsadaan celcelis ahaan 80 tan oo dahab ah bil kasta, taas oo ka badan 70 tan oo horay loo saadaaliyay. Tani waxa ay ifafaalo u tahay in bangiyadaasi ay si joogto ah u urruursanayaan dahab badan.

Goldman Sachs waxa kale oo ay tilmaantay in maalgelinta lagu sameeyo sanduuqyada ganacsiga ee dahabka ee loo yaqaan (gold ETFs) ay kor u kacday, iyada oo sababaha ugu waaweyn lagu sheegay cabsi laga qabo hoos u dhac dhaqaale iyo rajada laga qabo in Reserve-ka Federaalka Maraykanka uu hoos u dhigo heerka ribada (laba goor oo 25-bps ah sanadkan 2025, iyo mid kale horraanta 2026). Arrimahan waxa ay ka dhigayaan dahabka maalgelin aamin ah xilliyada qalalaasaha dhaqaale.

Haddii hoos u dhac dhaqaale si dhab ah u dhacdo, sanduuqyada ETF-ka waxa laga yaabaa in ay xawaare dheeraad ah yeeshaan, taas oo qiimaha dahabka sare u sii riixi karta, gaadhsiin karana ama dhaafi karta $3,700 doollar halkii wiqiyad marka sanadka 2025 la gaaro.

Dhanka kale, haddii ay sii xumaadaan xaaladaha juquraafiyeed iyo ganacsi, sida muranka ganacsi ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha oo cirka isku shareera, Goldman Sachs waxa ay saadaalisay in qiimaha dahabku gaadhi karo $4,000 illaa $4,200 halkii ounce badhtamaha 2026, waxaana suuragal ah in uu xitaa kor ugu kaco $4,500 haddii khatarahaasi aad u sii xoogaystaan. Saadaashani waxa ay ka tarjumaysaa cawaaqibka dhaqaale ee ka dhasha cashuuraha ganacsi ee kordha, kuwaas oo sababa hoos u dhac dhaqaale, kana dhigaya dahabka qalab lagaga gaashaanto sicir barar iyo is bedbedelka lacagaha caalamiga ah.

Kooxda saadaasha ee bangiga oo uu hoggaaminayo falanqeeye suuqeedka Lina Thomas, waxa ay hoosta ka xariiqeen in qiimaha sare ee dahabku uu taageero ka helayo is biirsiga dhowr arrimood oo is huwan: iib joogto ah oo ay sameynayaan bangiyada dhexe, kor u kaca maalgelinta ETF-yada sababo la xidhiidha cabsi dhaqaale iyo mid siyaasadeed, iyo in sahayda iyo baahida dahabku aysan isu dheellitiranayn.

Si kastaba ha ahaatee, haddii dhaqaalaha adduunku la yimaaddo koboc lama filaan ah ama haddii xaaladaha siyaasadeed ay deggaan, waxa suurtogal ah in maalgashiga ETF-yadu yaraadaan, taas oo keeni karta in qiimaha dahabku ku soo ururo qiyaastii $3,550 halkii ounce marka la gaadho dhammaadka 2025.

Ugu dambayn, saadaasha cusub ee Goldman Sachs waxay tilmaamaysaa xaalada wanaagsan ee suuqyada dahabka, iyada oo saadaasha aasaasiga ah ay tahay $3,700 halkii ounce dhamaadka 2025, halka saadaasha ugu rajo wanaagsanina ay gaadhsiinayso $4,500 haddii xaaladuhu sii murugtaan.

Technical ahaan wali waxaan sugaynaa fursada ku haboon ee aan ka raadinayno suuqa, marka ay diyaar noqotana waan idinla wadaagaynaa ee marwalba ku xidhnow halkan

JustMarkets

1 Comment

Leave a Reply to Farhaan dhuux Cancel reply

Your email address will not be published.


*