
๐ง Fahamka iyo Macnaha uu leeyahay warkani!
๐ Wakhtiga la shaacinaayo: 13-ka May, 2025 โ 3:30 galabnimo (Waqtiga Geeska Afrika)
Qodob | Saadaal (Forecast) | Hore (Previous) |
---|---|---|
Core CPI m/m | 0.3% | 0.1% |
CPI m/m | 0.3% | -0.1% |
CPI y/y | 2.4% | 2.4% |
Core CPI m/m, CPI m/m, iyo CPI y/y waa dhammaan qiyaasaha muhiimka ah ee lagu cabbiro isbeddelka qiimaha badeecadaha iyo adeegyada, kuwaas oo saameyn ku leh siyaasadaha dhaqaale ee dalka. Bal aan sharaxno mid walba si fudud:
1. Core CPI m/m โ (Sicir bararka aas-aasiga ah ee bilkasta)
Wuxuu warkani si cadcad u tilmaamaa oon ka fahmaynaa la socoshadda marka la qiimeynayo sicir-bararka salka u ah dhaqaalaha. Waxa aan ku jirin oo laga reebaa cuntada iyo tamarta sababta oo ah qiimahooda aad buu isku bed-beddelaa. Saadaasha waxay sheegaysa in ku soo baxayso 0.3% waxaan kala dhexbixi karnaa in sicir-bararku uu kor u kacayo si dhex-dhexaad ah. Hadaba haddii natiijada soo baxdaa ka sareyso saadaasha, waxay horseedi kartaa cabsi ah in Fed-ku kordhiyo dulsaarka (hawkish tone) sababtoo ah in sicir bararku kordhi karo.
2. CPI m/m โ (Sicir bararka bilaha ah)
Isbeddelka bil kasta ee qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada ayaa iyadana la saadaalinayaa in ay gaadho 0.3% inkasta oo wa-xoogaa ka soo kabasho ah jirto marka la eego natiijadii hore ee -0.1%, taas oo ahayd hoos u dhac lama filaan ah. Haddii saadaashan la gaadho ama la dhaafo, waxaan kala dhex-bixi karnaa in xaalad sicir-barar uu jiro.
3. CPI y/y โ (Sicir bararka sannadla ah)
Tani waa qodobka ugu weyn ee innaga, dawladda, suuqyada, iyo Fed-ku si dhow u eegaan.
2.4% waxay la mid tahay bartilmaameedka Fed ee โprice stabilityโ, taas oo muujinaysa degganaansho. Haddii heerkankan lagu ilaaliyo, waxay yaraynaysaa cadaadiska kor loogu qaado dulsaarka, balse haddii uu kor u kaco โ waa baraarujin in sicir bararku kordhay heerkiisu, markaas waxaa imanaysa in kor loo qaado xadiga dulsaarka.
๐ Saamaynta Suuqa (Marka La Daabaco Xogta):
- USD: Haddii CPI iyo Core CPI ay ka sarreeyaan saadaasha, Doolarku wuu xoogaysan karaa maadaama la filan karo in Fed ay sii wado dulsaar sare.
- XAU/USD (Dahab): Sicir-barar-ka sare wuxuu noqon karaa mid hoos u dhiga qiimaha dahabka, maadaama oo ay dhici karto in ay ku hogaamiso in dulsaar sare dawladu samayso taas oo dadka ku ku dhiirigelinayaan inay doortaan dollar-ka halkii ay kaydin lahaayeen dahab.
- EUR/USD: Doolar oo xoogaystaa wuxuu keeni karaa EUR/USD hoos u dhac la kulanto, halka natiijooyin ka hooseeya saadaasha ay kor u qaadi karaan qiimaha Euro-ga.

Aad ayaad u mahadsantihiin Bahda REDSEA WAVES.
Fallanqeytaan waxaan si qoto dheer ugu fahmay saameynta uu yeellan karo warka Berri soo bixi doona insha allaah.CPI IYO CORE CPI hadday number ka sarreeya saadaasha iminka ku soo baxaan Dollarku wuu xoogaysanaaya.
Mahadsanidiin RSW.
# waxaan ka fahmay oo an faaladayda kusoo koobaya Haddii CPI iyo Core CPI ay ka sarreeyaan saadaasha, Doolarku wuu xoogaysan karaa maadaama la filan karo in Fed ay sii wado dulsaar sare.
# qodab kale ayaa iyadna iman kara kaas oo ah inuu dahabku noqon doona mid hoos udhac sameya
Mansh Allah Allahuma baarik.
Wax wanaagsan oo bogaadin mudan ayaad samayseen Waana Guul kale Alxamdulilaah.
Wan fahmay casharka Insha’Allahu Ardeyduna inay fahmaan baan rajaynayaa.
Masha allah uatd waa xog aad u wanaagsan jazakallah kheer
CPI IYO CPI CORE hadi ay dhafan qiyaasti logu tala galay marka dollar ka ayaa kor u kacaya waxana kordhaya dulsarka bankiga dhexe dahabkuna wuu riqisayaa dadkuna waxay maaal gashanayan dollar ka markan eegno EURUSD hadi qiyaasti logu tala galay ama la sadaliyay ay hoos oga dhacdo markas waxa kor ukacaya qiimaha EUR
wxn ka fahmay in CIP uu yahay meelaha laga qiyaaso dhinaca ay u kacayaan AUX, USD iyo EUR.
waana meel ama qalab sadaalintiisa la sugo wakhti go’ana soo baxa.
wad mahadsantihiin
Masha allah waad seeftaad marisay
Masha Allah Allah ha idinbarakeeyo ustaad redsea waves dhamaann
Aniga halkan waxaa iga deeqay in uu suuqa iska gal kaliya ahayne ee macluumadka dhaqaalaha taxliilintooda ay muhiim tahay
Mahadsanid janagalle- dadaalka waan sii laba jibaaraynaa isha Allah
Masha allah aad baan idin salamay dhamman macaliminta red sea wavers
Xog badan waan akhriyay alx lkn cpi ayn fahmi wayay wax laga wado ustad mise waa cashar anan wali gaadhin
Amazing ustaadii aad baad umahadsnthy
M.a inta aan news ka wax ka sheeginba waxaa cajiib ah qaabka loogu soo daabacay qoraalka website kan redsea waves m.a horey u socda news ka qofki halkaan ka aqriya xogta aad soo geliseen umaba baahna in uu aado website yada kala duwan ee laga soo aqriyo dhamaantiin guulaysta RedSea Waves.
Mahadsanid Janagalle
Amazing, warkan mid lamida hore umaan arag oo wax badan baa iiga iftiimey
Asc bahda redseawave aad iyo aad ayaad umahadsantihiin jaaniskaan aad nasiiseen iyo garabistaaga aad umuujineysaan ardayda
Walaahi websiteka aad Baan ugu qancay waa meel aad uga maarmi karto websiteya badan ee aad radio Lahayd wixiiyoo dhan halkaanee kuugu diyaarsan yihiin waaguul.mahadsanid ustaad
Ascbahda reseawave aad band umahadsan tihiin maxaa yeelay waxaa aad iyo aad noogu garabtaagantihiin inaan hormarino noloshayna
Websitka aad ayaan u fahmay aadna waa ugu riyaaqay wax walbo oo aad in taasoo website uraadin lahay ayagoo muhiimada Leh ayaa halkaan kugu diyaarsan yihii.mahadsanid ustaad