
Broker waa dilaal inoo fududaysa in si toos ah uga qaadano ka ganacsiga suuqa lacagaha qalaad (Forex). Broker-ku wuxuu noqday dariiqa kaliya ee qofka caadiga ahi uu ku gali karo suuqyada maaliyada ee caalamiga ah ee online-ka ah, maadaama aysan suurtogal ahayn in si toos ah qofku ula macaamiilo bangiyada waaweyn ama hay’adaha dhaqaalaha ee caalamka.
Halkay Ka Soo Bilaabmeen Brokers-ku?
Taariikh ahaan, adeegga broker-nimada wuxuu soo bilaabmay qarnigii 19aad, markii uu bilaabmay suuqyada saamiyada iyo sarifka lacagaha, laakiin si weyn ayuu u kobcay sanadihii 1990-aadkii kadib markii uu soo baxay internet-ka. Tani waxay sahashay in la helo brokero online ah oo qof kasta si fudud uga diiwaan gali karo, ganacsigana ugu bilaabi karo isagoo gurigiisa jooga.
Doorka uu Broker-ku ku Leeyahay Suuqa Forex Iyo Sida uu u Shaqeeyo
Broker-ka wuxuu ciyaaraa door muhiim ah oo ah isku xidhaha macaamiisha iyo suuqa. Waa dariiqii ganacsatada yar-yar ee loo yaqaan (Retail Traders-ku) ama ku waa weyn ku xidhi lahaa suuqyada lacagaha qalaad. Markaad adigu lacag geliso akoonkaaga aad ka samaysatey Broker-ka, wuxuu awood kuu siinayaa in lacag aad iska iibiso isla markaana mid kale soo iibsato; tusaale ahaan akoonkayga waxaa ku jira $100, waxaan rabaa in aan ku ganacsado oo trade aan furo, hadaba siduu u shaqaynayaa? Tusaale waxaad aad doonaysaa in aad furto trade ah inaad iibsato ama iibiso lammaanaha lacagaha sida EURJPY, broker-ka ayaa si toos ah u fulinaya amarkaaga isagoo raacaaya habaankan;

Haddii aad rabto inaad sell ku samayso EURJPY, adigoo haysta doolar, broker-ka wuxuu marka hore lacagtaada u badalayaa euro, kadibna kuu ogolaanaya inaad euro-ka ku iibiso yen-ka Japan. Ganacsigaasi wuxuu ku dhacayaa ilbidhiqsiyo gudaheed iyada oo loo marayo nidaamyo elektaroonik ah iyo heshiisyo lagu magacaabo “contracts”. Marka aad faa’iido hesho, broker-ka ayaa markale kuu badalaya yen-ka aad heshay oo kugu soo celinaya doolar ahaan. Intaa dhexdeeda, wuxuu kaaga qaadayaa lacagta adeegga ee commission-ka ah iyo khidmad kale oo la yidhaa spread taas oo ah farqiga u dhexeeya qiimaha uu suuqa ku iibsanaayo iyo ka uu ku iibinayo.
Astaamaha Lagu Garto Broker Wanaagsan Iyo Noocyada ay u qaybsamaan.
Broker wanaagsan waa mid leh aqoonsi rasmi ah oo ka soo baxay hay’ad maaliyadeed oo la isku halayn karo, waa in uu leeyahay adeeg macmiil 24/5 ama 24/7 ah si macmiilku u helo karo caawin marka uu u baahdo, waa in uu bixiya barnaamijada ganacsi oo casri ah oo la isku halayn karo sida MetaTrader 4 ama 5, Qodobka muhiimka ah waa in uu aqbalaayo aqoonsiga documantiyada dalkaaga ee aad heli karto.
Brokers-ku waxay u qabysamaan laba qaybood oo muhiim ah
Marka aad dooranayso Broker-ka kugu haboon waxaa waajiba in aad ku xulato in uu yahay mid kamida labadan nooc ECN Broker ama Market Maker Broker. Hadaba maxay ku kala duwan yihiin labadan nooc midkeebaase adiga kugu haboon?
ECN Broker waa nooca broker-ka ugu daacadsan, oo si toos ah macaamilka ugu xidhaya bangiyada waaweyn iyo bixiyeyaasha liquidity-ga. ECN waxaa loo soo gaabiyey “Electronic Communication Network.” Waxaa lagu yaqaanaa in aysan iyagu samaysan suuqa oo aysan la ganacsan macmiilka, spread-kooduna aad u yar yahay, balse waxa ay leeyihiin khidmad (commission). STP Broker ama “Straight Through Processing” waa broker si toos ah u gudbiya amarada macaamiisha iyada oo aanay jirin faragelin. Waxay la shaqeeyaan tunweynta suuqa liquidity Providers (LPs) waxayna bixiyaan adeeg la mid ah ECN, laakiin qiimaha iyo xawaaraha wax yar baa u dhexeeya.
Market Maker waa broker isagu suuqa isaga sameeya, waa nooca ay tahay in aad iska ilaaliso. Iyagu ayaa kaa hor imanaaya oo noqonaya dhinaca kale ee ganacsiga. Haddii aad adigu iibinayso (Sell) , iyaga ayaa kaa iibsanaya (Buyers). Tani waxay keentaa in faa’iidadaada ay noqoto khasaarahooda iyo taa lidkeeda. Sidaas darteed, Iska ilaali. Waxyaabaha lagu garto waxaa ka mid ah Spread badan, Trade-ka marka aad furayso oo uu daaho, slippage xiliyada uu suuqa warar waawayn ku jiraan, in ay kaala raagaan lacagta iyo in mararka qaar ay xayiraan akoonkaaga iyagoo ku marmarsoonaaya sababo farsamo.
Maxay yihiin liquidity Providers?
Liquidity Providers waa dad ama shirkado lacag haysta oo mar walba diyaar u ah inay iibsadaan ama iibiyaan lacag, saamiyo, ama wax kale oo suuqyada ka jira. Tusaale ahaan, haddii adiga aad rabto inaad lacag iibsatid ama iibisid, waxaa jira dad ama shirkado lacag leh oo kaa caawinaya inaad si fudud uga hesho qof ku iibinaya ama ku iibsanaaya. Waxay suuqyada ka dhigaan kuwo dhaqso wax looga kala iibsado, qiimahaana ka dhigaan mid xasiloon.
Sidaa darteed, Liquidity Providers waa sida dukaano waaweyn oo lacag iyo alaab haysata, suuqana ka dhigay mid fudud.Tusaale: JP Morgan, Citibank, Barclays, Goldman Sachs, Deutsche Bank.

A-Book vs B-Book: A-Book broker wuxuu amarkaaga si toos ah ugu gudbiyaa suuqa (ECN/STP), halka B-Book broker uu isaga kaa noqdo dhinaca kale ee ganacsiga, taas oo la mid ah market maker. Brokero badan ayaa ah nooc isku dhafan oo waxaa loo yaqaan (hybrid), oo labadaba isticmaala.
Brokers-ka ay Somalidu isticmaasho
FXPrimus ayaa la aas aasay sanadkii 2009, waxayna ku caan tahay amaanka macaamiisheeda. Waxay leedahay laba Licence oo muhiim ah: mid ka waa CySEC oo Cyprus ah iyo mid kale oo ay ka qaateen Vanuatu (VFSC). Waa broker ECN ah oo sidoo kale adeegyo STP bixiya. Dad badan ayaa ku xidhan, oo gaadhaaya qiyaastii 100,000 qof. Leverage-koodu ugu badan waa 1:1000.
Barnaamijyada ay bixiyaan waxaa ka mid ah MetaTrader 4 iyo 5 iyo CTrader. Support-koodu waa 24/7 Waxay aqbalaan documantiyada Somalia iyo Somaliland-ba.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
Sawirkan riix si aad isaga diwaan galisid 👇

JustMarkets waxaa la aas aasay 2012. Waa STP broker sida ay toos u sheegaan, waxayna leeyihiin licenses ay ka haystaan FSA Seychelles iyo CySEC. Dadka isticmaala waxay ka badan yihiin 150,000. Leverage-koodu wuxuu gaadhayaa ilaa 1:3000, waana mid aad u sareeya. Waxay bixiyaan support 24/7 ah. Waxa ay aqbalaan documents Somalia, balse ma aqbalaan ka Somaliland Barnaamijyada ay bixiyaan waa MT4 iyo MT5.
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
Sawirkan riix si aad isaga diwaan galisid 👇

Labada shirkadoodba waxay bixiyaan accountyo demo ah, islamarkaana si sahlan ayaad isku diiwaan galin kartid.
Isbarbardhig Dhamaystiran: FXPrimus vs JustMarkets
Astaamaha | FXPrimus | JustMarkets |
---|---|---|
Sanadkii la aas aasay | 2009 | 2012 |
Licence | CySEC (Cyprus), VFSC (Vanuatu) | FSA (Seychelles), CySEC |
Nooca Broker-ka | ECN, STP | STP |
Tirada macaamiisha | 100,000+ | 150,000+ |
Leverage ugu badan | 1:1000 | 1:3000 |
Barnaamijyada la bixiyo | MetaTrader 4, MetaTrader 5 iyo Ctrader | MetaTrader 4, MetaTrader 5 |
Adeegga macaamiisha | 24/7 | 24/7 |
Aqbalida Documentiyada Somalia iyo Somaliland | Haa | Ma aqbalo Somaliland |
Habka Isticmaalka | Fudud | Aad u fudud |
Email Support | support@fxprimus.com | support@justmarkets.com |
Caawinta | Ficaan | Aaad u fiican |
Sharciyada & Habraaca AML ee Marka Lacagta La Dhiganaayo (Deposit) Ama Laga Baxaayo (Withdrawal)
AML waxaa loo soo gaabiyey “Anti-Money Laundering”, waana sharciyo caalami ah oo looga hortago dhaqaalaha sharci darrada ah, sida lacagaha laga helo musuqmaasuqa, argagaxisada ama ka ganacsiga maandooriyaha.
Broker kasta oo rasmi ah wuxuu leeyahay nidaam KYC (Know Your Customer), taas oo ku qasbaysa inuu helo aqoonsigaaga (ID ama passport) iyo caddeyn meesha aad degan tahay (bills ama bank statement).
Marka aad lacag dhigato, waa in laga helo account adiga kuu gaar ah. Haddii aad lacag la bixinayso, sidoo kale waxa la hubinayaa in magaca documantigaaga iyo midka bankigaagu isleeyihiin uu yahay isla magaca account-ka lacagta lagu helayo. Mararka qaar, ilaa aad buuxiso dhammaan shuruudahaas, lacagta waa laguu diidayo ama wa lagaa hakinayaa in aad samayso wax lacag la bixida. Waxaana sharci ah in lacagwalba lagu celiyo (Withdrawal) marka lagu samaynaayo halkii markii hore laga soo galiyey (Deposit), Tusaale hadii aad lacagta kaga soo shubtay mastercard-kaaga waxaa waajiba in marka hore lacagta lagu celiyo mastercard-kaaga, waliba xadi lamida midkii aad ku shubtay, tusaale ahaan hadii aad $100 kaga shubatey, waa in marka aad lacagta la baxayso isla $100 lagu celiyo mastercard-kaagii, kadib ayey kuu furmaysaa qaababka kale ee lacag bixistu, sida Crypto, Bankwire iyo kuwa lamidka ah. Hanaankaas ayey marayaan qaabkastood deposit u samaysaa.
Hadaba hadii aad lacag ku shubanayso Broker-ka waxaa muhiima in aad ka fikirto caqabadahan, hadii lacagta aad kaga shubto mastercard-kaaga, waa habka ugu amaansan balse hal carqalad bay leedahay oo badanaa markaad doonayso in aad lacagtaada la baxdo waxay kugu keenaysaa in aad sugto lacagtaada ugu yaraan 10 maalmood (7 days business bank). Balse hadii aad isticmaasho in aad lacagtaada crypto kaga shubato, waa hanaanka ugu dhakhsiyaha badan, waxaanay qaadanaysaa ugu yaraan 5 daqiiqo ugu badnaana 2 saacadood.
Gunaanad
Broker-ku waa qaybta ugu muhiimsan ee ganacsiga Forex. Waa furaha kuu ogolaanaya inaad gasho suuqyo aad u weyn oo caalami ah. Haddaba si aad uga badbaado khiyaamo iyo qasaare, waa inaad si taxadar leh u doorataa broker sharciyeysan, sumcad leh, adeeg fiican bixiya, lana jaanqaadaya baahiyahaaga.
Ka daawo casharkan oo dhamaystiran halkan 👇
Waa maxay Broker?
Broker waa qof ama shirkad dhex-dhexaad ka ah traderka iyo suuqa Forex, wuxuuna kuu suurtagelinayaa inaad suuqa gasho adigoon si toos ah ula macaamilin bangiyada waaweyn ama shirkadaha maaliyadeed.
Taariikhda Broker-ka
Broker-ku wuxuu ka soo bilaabmay qarnigii 19-aad, balse dadweynaha si rasmi ah suuqa ugu soo biireen 1990 markuu internet-ku yimid taas oo keentay in la helo brokero online ah.
Sida uu u Shaqeeyo Broker-ku
Marka aad akoon furato oo aad trade gasho broker-ka ayaa amarkaaga u gudbiya suuqa.
Wuxuu kaloo kaa caawiyaa in lacagtaada la badalo loona badalo mid kale tusaale: USD –> EUR –> JPY.
Broker-ka wuxuu u dhexeeyaa trader-ka iyo liquidity providers.
Noocyada Broker-ka
ECN Broker: Ku xira trader-ka iyo bangiyada, suuqa ayuu si toos ah u gala, daacad buu yahay, wuxuu leeyahay commission.
STP Broker: Amarada si toos ah ayuu u gudbiyaa, la mid ah ECN.
Market Maker: Suuqa asaga ayaa sameeya, wuxuu kaa hor iman karaa, khatar buu leeyahay.
Liquidity Providers
Shirkado ama bangiyo haysta lacag badan oo mar walba diyaar u ah in ay suuqa ka iibsadaan ama iibiyaan. Tusaalooyin:
JP Morgan
Goldman Sachs
Citibank.
A-Book vs B-Book
A-Book: Amarada si toos ah suuqa ayuu ugu diraa.
B-Book: Broker-ka ayaa kaa hor yimaada oo wuxuu ka faa’iidaystaa khasaarahaaga.
Brokero ay Soomaalida Isticmaalaan
FXPrimus: waxaa la aasaasay 2009, leverage 1:1000, MT4/MT5, aqbala dukumentiyada Somalia.
JustMarkets: waxaa la aasaasay 2012, STP broker, leverage 1:1300, adeeg 24/7.
AML (Anti Money Laundering)
Shuruucda lagula dagaallamo dhaqaalaha sharci darrada ah.
Gunaanad: Broker-ka waa furaha aan ku geli karno suuqa Forex. Fahamka shaqadiisa iyo noocyadiisa ayaa naga caawinaaayo inaad si ammaan ah u ganacsano.
Waa maxay broker?
Broker waa dilaal inoo fududaysa in si toos ah uga qaadano ka ganacsiga suuqa lacagaha qalaad (Forex).
Halkay Ka Soo Bilaabmeen Brokers-ku?
wuxuu soo bilaabmay qarnigii 19aad
si weyn ayuu u kobcay sanadihii 1990-aadkii kadib markii uu soo baxay internet-ka.
Doorka uu Broker-ku ku Leeyahay Suuqa Forex?
Broker-ka wuxuu ciyaaraa door muhiim ah oo ah isku xidhaha macaamiisha iyo suuqa.
Sidee bu u sha qeya brokerka ?
Haddii aad rabto inaad sell ku samayso GBPAUD, adigoo haysta doolar, broker-ka wuxuu marka hore lacagtaada u badalayaa GBP, kadibna kuu ogolaanaya inaad GBP-ka ku iibisO AUD . wuxuu ku dhacayaa ilbidhiqsiyo gudaheed iyada oo loo marayo nidaamyo elektaroonik ah
Marka aad faa’iido hesho, broker-ka ayaa markale kuu badalaya AUD-ka aad heshay oo kugu soo celinaya doolar ahaan
Astaamaha Lagu Garto Broker Wanaagsan Iyo Noocyada ay u qaybsamaan?
1 mid leh aqoonsi rasmi ah
2 waa in uu leeyahay adeeg macmiil 24/5 ama 24/7
3 , waa in uu bixiya barnaamijada oo la isku halayn karo sida MetaTrader 4 ama 5,
4. waa in uu aqbalaayo aqoonsiga documantiyada dalkaaga ee aad heli karto
Brokers-ku waxay u qabysamaan laba qaybood oo muhiim ah?
1. ECN Broker (A-Book) waa nooca broker-ka ugu daacadsan, oo si toos ah macaamilka ugu xidhaya bangiyada waaweyn iyo bixiyeyaasha liquidity-ga
2 Market Maker Broker (B-Book) waa broker isagu suuqa isaga sameeya, waa nooca ay tahay in aad iska ilaaliso.
Maxay yihiin liquidity Providers?
Liquidity Providers waa dad ama shirkado lacag haysta oo mar walba diyaar u ah inay iibsadaan ama iibiyaan lacag ama saamiyo
Tusaale: JP Morgan, Citibank, Barclays,
A-Book vs B-Book?
A-Book broker wuxuu amarkaaga si toos ah ugu gudbiyaa suuqa (ECN/STP)
B-Book broker uu isaga kaa noqdo dhinaca kale ee ganacsiga, taas oo la mid ah market maker.
Brokero ay Soomaalida Isticmaalaan?
FXPrimus: waxaa la aasaasay 2009, leverage 1:1000, MT4/MT5, aqbala dukumentiyada Somalia. Support 24/7
JustMarkets: waxaa la aasaasay 2012, STP broker, leverage 1:1300,support 24/7.
Somalia wuu aqbalaa balse somaliland ma aqbalo
AML (Anti Money Laundering)
AML waxaa loo soo gaabiyey “Anti-Money Laundering”, waana sharciyo caalami ah oo looga hortago dhaqaalaha sharci darrada ah,
sida lacagaha laga helo musuqmaasuqa, argagaxisada ama ka ganacsiga maandooriyaha.
Note ka casharka Broker ka
Waa maxay Broker?
Waa dilaal inoo fududeynayo ina an si toos ah uga qaadano ka ganacsiga suuqa lacagaha qalaad ee FOREX.
Xagee ayuu kaso bilawday Brokerku ?
Tariikh ahaan nidaamka Broker ku waxa uu so bilowday qarnigii 19th
Lakiin siweyn ayuu u kobcay sanadkii 1990 kii.
Waamaxay doorka u Broker ku leeyahay suuqa forex?
Broker ku doorweyn ayuu ka ciyaraa suuqa forex kaas o ah isku xirka macaamiisha iyo suuqa.
Sidoo kale waxa cashirka ku fahmay
ASTAAMAHA lagu Garton Broker ka wanaagsan?
Broker ka wanaagsani waa mid leh aqoonsi rasmi ah oo ay bixisay ha.ad maaliyadeed oo laisku haleykaro.
Waa inuu leeyahay adeeg macmiil oo 24/7 ama 24/5 si macmiilku uu u helo markasta oo uu u baahdo.
In uu bixi barnaamij ganacsi oo leyku haleey karo sida META-TRADE 5 IYO 4.
Broker ku waxa u qeeybsaman sida soo socoto.
ECN broker iyo market maker broker.
ECN broker waa brokerka ugu daacadsan waana mid si toos ah kugu xiraya bankiyahada waweyn iyo bixiyaasha liquidity. ECN waxa loso gabiyay Electronic Communication Network
STP broker ama straight through processing waa broker si toos ah u gudbinayo amarada macaamisha iyadoo anay jirin wax faragelin ah waxay na lashaqeyan tunweyn suqqa liquidity providers ka (LPs) waxayna bixiyaan adegyo lamida kan ECN ka lakin qiimaha iyo xawaaraha wax yar baa u dhexeeya.
Waa maxay liquidity providers?
Waa dad ama shirkada lacaga haysta oo marwalba diyaar u ah inay iibsadaan ama iibiyaan lacag.
Liquidity providers waa sida dukaaman waweyn oo alaab haysta iyo lacag oo suuqa ka dhiga mid fudud.
TUSAALE. jp Morgan, citibank, GOLD sache I’m
Waa maxay A-book iyo B-book?
A-Book broker wuxuu amarkaaga si toos ah ugu gudbiyaa suuqa (ECN iyo STP) halka B-book broker isagu kaa noqdo dhinaca kale ee ganacsiga kaas oo lamida market maker.
Brokers ka ay soomalidu ugu isticmaalka badanyihiin waa kuwee?
Waa FRPrimus Iyo Justmarket.
Fxprimus ayaa la aasaasay sanadkii 2009 kii wuxuuna caan ku yahay amaanka macaamiishiisa, wuxuu na leeyahay labo license oo muhiim ah sida (CYSEC) oo Cyprus ah iyo Vanautu (VFSC) waa broker ECN eh oo sidoo kale bixiyo adeeg STP ah
Dad ka badan 100,000 oo qof ayaa ku xiran, leverage kiisane waa ilaa 1:1000.
barnaamijyada kale o ay bixiso waxaa ka mida META TRADe 4 iyo 5 iyo Ctrading,
Support tigoodu waa 24/7, waxay aqbalaan dukumentiyada Somalia iyo Somaliland.
JUSTMARKETS waxa la aasaasay sanadkii 2012 dii waana STP broker sida ay toos u sheegaan.
Waxayna haysata labo license oo muhiim ah (FSA) Seychelles ah iyo (CySEC) oo CyPRUS ah dadka isticmaala waxa ay kabadan yihiin 150,000
Leverage koodu waa 1:3000 waana mid aad u sareeya
Sidookale waxay bixiyaan Support 24/7 ah waxayna aqbalaan documents SOMALIA lakiin ma aqbalaan kan SOMALILAND, barnaamijka ay bixiyaan waa META-TRADE 4 iyo 5.
MAHADSANID USTAAD ✅️🙏
NOTE KA MACLUUMADKU SABSAN BROKERKA
✓WAA maxaad broker ?
✓sideebuu ushaqeeyaa brokerku?
Brokerku waa dilaal inoo fududeeyo ka gacsiga suuqa lacagaha qalaad ee forex
BROKERKU wuxuu noqday waxa kaliya ee qofka caadiga ahi ka gali karo suuqayada maaliya ee caalamiga ah
HALKAY KASOO BILAAMEN BROKERsKU ?
Taariikh ahaan BROKERsKU waxay Soo bilaamen qarnigii 19aad markii uubilaamay suuqayada samiyada &sarifku lacagaha
Waxay siwayn ukobceen sanadkii 1990aadkii
Markiii uu Soo baxay internetku
Taaso fududaysay in lahelo brokero online ah
DOORKA UU KULEEYAHAY BROKERKU SUUQAYADA FOREX IYO SIDA UU SHAQEEYYO?
Brokerku wuxuu ciyaara doormuhiima ah
Wuxuu isku xidhaa suuqa iyo macamiisha
✓tusaale waxaad doonaysaa trade ah inaad iibsato
Ama iibiso lamanaha lacagaha EURO JPY
BROKERKA yaa sitoosa ufulinaya amarkaaga
ASTAAMAHA LAGU GARTO BROKERKA FIICAN
✓brokerka wanaagasan waa ka leh aqoonsi rasmi ah
Haayad maaliyaded oo lasiku halayn karo
Waa inuu leeyahay adeeg macmiil 24/5 24/7
BROKERSKU WAXAY UQAYBSAMAN LABA NOOC
✓ECN BROKER
✓MARKET MAKER
ECN BROKER WAA NOCA ugu fiican kassoo kugu xidhaya bangyada waa wayn liquidity ga
MARKET MAKER waa mid isagu suuqa sameeya waa ka ay tahay inaad iska ilaaliso
MAXAY YIHIIM Liquidity providers
Waa dad amaba shirkado haysta lacago oo diyaar u ah inay marwalba iibsadaan. Ama iibiyaan lacago
A BOOK broker iyo B BOOK BROKER
✓ A BOOK BROKERKU waa broker suuqa sitoosa kuugu gudbiya
✓B BOOK BROKERKUNA uu isagu kanoqdo dhinaca kale eegacnisga oo lamid ah market maker
MAHADSANID USTAAD
Broker waa dulaalka inoo fududeeya inaan suuqa ka dhex shaqesan karno isagoo lcagaheena u gudbiya waawaynka ama liquidity providers ka
LPs ku waa waa shirkadaha ama banks ka lacagaha haysta ee ama iibiya ama iibsada
Broker wuxuu soo bilowday 1990 maad ki marki uu internetka yimi
Brokerku waa isku xiraha retali tredera iyo liquidity providerska
Wuxuu uqaybsamaa mid isaga suuqa samaysta oo layiraa market mekers
Iyo mid suuqa dhexdhexaad ka ah oo toos kuugu xiraaya LPs ka oo looyaqaan ECN sido kle mid STP ladhaho ayaa jiro
Sidoo kle broker ka waxaa loo qaybiyaa A book broker oo ah midka suuqa dhexdhexaadka ka ah ee comussionkisa un iyo spreadka un kaa gosta iyo
B book broker oo ah mid suuqa sameeysta oo halki aad adiga ugashay maahee dhanka kale kasoo gala oo qasaarahaagu uu faaido u yahay
Mxaa lagu xushaa bdokerka waa inuu aqoonsi rasmi ah uu leyahy caawintiisuna 24/7 aad heli krtaa
Somaalidu inta badan brokerska ay istcmaalaan waa FXprimus iyo Just market
FXprimus waa broker ECN ah sidoo klena STP ah waxaana laga aqoonsan yhy Cyprus oo yurub ah iyo Vanautu oo bacific kutaal
Doccoments ka somaliya/somaliland wuu aqbalaa
Caawimaadiisana waa 24/7
MT4/5 iyo Ctraderka wuu aqbalaa
Justmarket isagu wxaa laga aqonsanyahy sishalis oo afrika ah ilaa 150,000 qof baa ku xiran halka kii hore ay ku xiranyihiin 100,000+ qof
MT4/5 wuu aqbalaa
Docoment somaliya okliya ayu aqbalaa
Waa maxay Broker?
Broker waa qof ama shirkad dhex-dhexaad ka ah trader-ka iyo suuqa Forex, wuxuuna kuu suurtagelinayaa inaad suuqa gasho adigoon si toos ah ula macaamilin bangiyada waaweyn ama shirkadaha maaliyadeed.
Taariikhda Broker-ka
Broker-ku wuxuu ka soo bilaabmay qarnigii 19-aad, balse dadweynuhu si rasmi ah suuqa ugu soo biireen sanadihii 1990-meeyadii markuu internet-ku yimid, taas oo keentay in la helo brokero online ah.
Sida uu u Shaqeeyo Broker-ku
Marka aad akoon furato oo aad trade gasho, broker-ka ayaa amarkaaga u gudbiya suuqa.
Wuxuu kaloo kaa caawiyaa in lacagtaada la badalo loona rogo mid kale. Tusaale: USD –> EUR –> JPY.
Broker-ka wuxuu u dhexeeyaa trader-ka iyo shirkadaha lacagta bixiyaa (liquidity providers).
Noocyada Broker-ka
ECN Broker: Ku xira trader-ka iyo bangiyada, suuqa ayuu si toos ah u gala, daacad buu yahay, wuxuu leeyahay commission.
STP Broker: Amarada si toos ah ayuu u gudbiyaa, la mid ah ECN.
Market Maker: Suuqa isagaa sameeya, wuxuu kaa hor iman karaa, khatar buu leeyahay.
Liquidity Providers
Shirkado ama bangiyo haysta lacag badan oo mar walba diyaar u ah in ay suuqa ka iibsadaan ama iibiyaan.
Tusaalooyin: JP Morgan, Goldman Sachs, Citibank.
A-Book vs B-Book
A-Book: Amarada si toos ah suuqa ayuu ugu diraa.
B-Book: Broker-ka ayaa kaa hor yimaada oo wuxuu ka faa’iidaystaa khasaarahaaga.
Brokero ay Soomaalida Isticmaalaan
FXPrimus: Waxaa la aasaasay 2009, leverage 1:1000, barnaamijyo MT4/MT5, waxay aqbalaan dukumentiyada Soomaaliya.
JustMarkets: Waxaa la aasaasay 2012, waa STP broker, leverage 1:1300, adeeg 24/7 ah bay bixiyaan.
AML (Anti-Money Laundering)
Shuruucda lagu xakameeyo dhaqaalaha sharci darrada ah sida lacagaha laga helo musuqmaasuqa ama dambiyada kale.
Ustaad casharkana runtii wuxuu ahaa mid aad ugu faahfaahisay waxa uu yahay brokerku tarikhdii uu soo bilaabmay haelaha uu u hayo dadka ku xidhan noocyada uu ukala baxo sida lagu ogaado kuwa daacada ah iyo kuwa aan daacada ahayn sharciyada uu haysto oo ay tahay mesha ugu muhiimsan inaad iska eegto anagoo ardey ah brokerka noo wanagsan ee ay tahay in aan doorano runtii mahadsanid ustaad intaba waa soo koobayaa casharku
Wuxuu yahay Broker-ku & siduu u shaqeeyo:
Casharku wuxuu sharxayaa waxa uu yahay broker ee suuqa Forex, isagoo ah dilaal fududeeya ganacsiga lacagaha qalaad ee online-ka ah. Wuxuu xusayaa bilowgii adeegga broker-nimada qarnigii 19aad iyo kobociisii weynaa kadib markii internet-ku soo baxay.
sidoo kale wxuu qeexayaa doorka broker-ka ee suuqa Forex, isagoo ah isku xiraha ganacsatada iyo suuqa, wuxuuna tusaale ku bixinayaa sida uu u shaqeeyo marka la iibinayo ama la iibsanayo lammaanaha lacagaha. Waxaa la sharraxayaa sida broker-ku lacagta u beddelo, amarrada u fuliyo, faa’iidada u soo celiyo, iyo khidmadaha uu ka qaado (commission iyo spread).
Qoraalku wuxuu dabadeed sheegayaa astaamaha lagu garto broker wanaagsan, sida inuu leeyahay aqoonsi rasmi ah, adeeg macmiil oo fiican, barnaamijyo ganacsi oo casri ah, iyo inuu aqbalo aqoonsiyada dalkaaga.
Waxaa kale oo uu sharxayaa noocyada brokers-ka, oo kala ah ECN Broker (midka daacadsan oo si toos ah u xidha macaamiisha iyo suuqa) iyo Market Maker (midka suuqa isaga sameeya oo ay tahay in laga fogaado). Waxaa sidoo kale la soo qaadayaa STP Broker oo la mid ah ECN iyo liquidity providers oo ah hay’adaha waaweyn ee lacagta haya.
Ugu dambeyntii, qoraalku wuxuu si kooban u soo bandhigayaa laba broker oo ay Soomaalidu isticmaasho: FXPrimus iyo JustMarkets, isagoo xusaya taariikhdooda, ruqsadahooda, tirada macaamiishooda, leverage-kooda, barnaamijyada ay bixiyaan, iyo haddii ay aqbalaan aqoonsiyada Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaa sidoo kale ku jira isbarbardhig kooban oo labadooda ah.