Fahamka Currency Pairs-ka

1. Waa Maxay Forex?

Forex waa suuq weyn oo lagu kala iibsado lacagaha adduunka. Ereyga Forex wuxuu ka yimid Foreign Exchange, oo macnaheedu yahay “Is-weydaarsiga Lacagaha Qalaad.”

2. Waa Maxay Forex Pairs?

Forex pairs waa laba lacagood isku lamaan si loo kala iibsado suuqa. Tusaale ahaan, EUR/USD waa Forex pair, waana isku darka Euro iyo US Dollar.

Markaad trading sameyneyso, waxaad iibsanaysaa lacag hore (base currency) iyo isla markaaba waxaad iibinaysaa lacag labaad (quote currency).

Tusaale:

Markaad aragto EUR/USD = 1.10, waxay ka dhigan tahay in halka Euro uu dhigmo 1.10 Doolar.

Marka aynu EUR/USD Sell gareynayno (Iska Iibinaya)

Sell waxa ay ka dhigan tahay inaad lacagta Euro iska iibinayso, adigoo soo iibsanaaya Dollar Maraykan.

Sidaas darteed, waxaad rajeynaysaa in qiimaha EUR/USD uu hoos u dhaco, si aad ugu faa’iidaysato farqiga qiimaha.

Tusaale:

Haddii EUR/USD uu yahay 1.1000 oo aad ka sell (iska iibiso), waxaad sugaysaa in qiimuhu uu hoos u dhaco, si aad faa’iido ugu sameysato.

  • Marka qiimaha hoos u dhaco (downtrend), waxaad helaysaa faa’iido.
  • Marka qiimaha kor u kaco (uptrend), waxaad lumin doontaa lacag (loss).

Marka aynu EUR/USD Buy gareynayso (Soo Iibsashada)

Buy waxa ay ka dhigan tahay inaad lacagta Euro soo iibsanaaya, adigoo iska iibinaya Dollar Maraykan.

Halkan, waxaad rajeynaysaa in qiimaha EUR/USD uu kor u kaco, si aad faa’iido uga hesho isbedelka qiimaha.

Tusaale:

Haddii EUR/USD uu yahay 1.1000 oo aad ka buy (soo iibsato), waxaad sugaysaa in qiimuhu uu kor u kaco. Haddii qiimuhu uu kor u kaco ilaa 1.1100, waxaad iska iibinaysaa (sell) si aad faa’iido ugu sameysato.

  • Marka qiimaha kor u kaco (uptrend), waxaad helaysaa faa’iido.
  • Marka qiimaha hoos u dhaco (downtrend), waxaad lumin doontaa lacag (loss).

3. Muxuu Yahay Pip?

Pip waa cabir yar oo muujinaya isbedelka qiimaha Forex pair. Marka qiimaha Forex uu is bedelo, waxa loo qiyaasaa Pips.

Tusaale Fudud:

Haddii EUR/USD uu ka kaco 1.1000 ilaa 1.1001, waxaa sare u kacay 1 pip.

Forex-ka badankiisa, pip wuxuu u taagan yahay 0.0001 marka ay tahay pair leh afar decimal.

Tusaale:

USD/JPY wuxuu leeyahay laba decimal, sidaa darteed haddii uu ka kaco 145.00 ilaa 145.01, waxaa sare u kacay 1 pip.

4. Muxuu Yahay Spread?

Spread waa faraqa u dhexeeya qiimaha iibsiga (bid price) iyo iibinta (ask price) ee Forex pair-ka.

Marka aad gasho suuqa, waxa ku bilaabmaya kharash yar oo loo yaqaan spread.

Tusaale:

Haddii EUR/USD uu yahay 1.1000 bid iyo 1.1003 ask, spread-ka wuxuu noqonayaa 3 pips.

5. Muxuu Yahay Lot?

Lot waa xadiga ama qiimaha aan ku iibsano halka pip, Waxaa jira noocyo kala duwan oo lot ah:

Standard lot — 100,000 units (1 lot).

Mini lot — 10,000 units (1 mini lot).

Micro lot — 1,000 units (1 micro lot).

7. Most Trading Pairs in Forex Market 2024

Sanadka 2024, pairs-ka ugu badnaa ee la trade gareeyey waxay kala ahaayeen:

EUR/USD — 28% suuqa Forex.

USD/JPY — 13.34%.

GBP/USD — 11.27%.

AUD/USD — 6.37%.

USD/CAD — 5.22%.

USD/CHF — 4.63%.

NZD/USD — 4.08%.

EUR/JPY — 3.93%.

GBP/JPY — 3.57%.

EUR/GBP — 2.78%.

8. Lacagaha Ugu Awooda Badan Forex-ka 2024

Lacagaha ugu awoodda badan suuqa Forex-ka waxay kala yihiin:

US Dollar (USD) – 84.9% saamayn.

Euro (EUR) – 39.1% saamayn.

Japanese Yen (JPY) – 19%.

British Pound (GBP) – 12.9%.

Australian Dollar (AUD) – 7.6%.

Canadian Dollar (CAD) – 5.3%.

Swiss Franc (CHF) – 6.4%.

Others – 25%

9. Qaybaha loo qaybiyo habka lacaguhu isku raacaan (Major, Minor, Cross, iyo Exotic Pairs)

Major Pairs

Forex pairs-ka ay ku jirto US Dollar iyo lacag weyn waana kuwa uugu iibashada iyo iibsiga badan (most liquidity pairs).

Tusaale: EUR/USD, USD/JPY, GBP/USD.

Minor Pairs

Pairs-ka aaney ku jirin US Dollar laakiin ay ku jiraan dalalka waaweyn.

Tusaale: EUR/GBP, EUR/JPY.

Cross Pairs

Pairs aaney ku jirin USD laakiin ka kooban laba lacagood oo waaweyn.

Tusaale: EUR/CHF, GBP/JPY.

Exotic Pairs

Pares-ka leh lacag waaweyn iyo lacag waddamada soo koraya, lacagahan waa very volatile mana laha liquidity badan.

Tusaale: USD/TRY (Turkish Lira), USD/ZAR (South African Rand).

JustMarkets

6 Comments

    • Ustaad mansha allah siwacan ayan u akhristay una fahmay fahamka currency pairska sida lacaguhu ukala awood weyn yihin iyo lacagahii ugu trade badnaa sanadkii 2024 iyo lacagahii awooda lahaa isla sanadkaas 2024

Leave a Reply to Abdiqani ahmed Cancel reply

Your email address will not be published.


*