
Solana waxay ku abtirsataa bahda blockchain ka waxaa la aasaasay sannadkii 2017-kii, waa mashruuc daah-furan oo ay hadda maamusho Solana Foundation oo fadhigeedu yahay Geneva. Solana waxaa hindisay koox uu hogaaminayo Anatoly Yakovenko. Yakovenko waa injineer software iyo shaqaale hore oo Qualcomm ah oo aasaasay Solana Labs, shirkadda ka dambeysa borotokoolka Solana blockchain. Mashruucu wuxuu si rasmi ah u bilaabay 2020, tan iyo markaas, waxa uu soo jiitay dareenka iyo maalgashiga ilo kala duwan sababtoo ah habka cusub ee kobcinta iyo waxqabadka booska blockchain. Solana waxay kaga duwan tahay blockchain ka kale dhanka xawaaraha oo waxaa loo qaabeeyey inay si dhakhso leh ay markiiba transections badan u filin karto daqiiqado kooban gudahood iyadoo waliba khidmadeeduna tahay tan ugu yar, waxayna adeegsataa hab gaar ah oo lagu talo galay wax kala iibsiga iyo kala badalashadaba kaas oo loo yaqaan Proof of History. Tani waxay ka dhigaysaa mid ka dhakhso badan oo ka waxtar badan shabakadaha kale ee blockchain. Solana waxay kaalinta lixaad kaga jirtaa liiska Cryptocurrency ugu caansan dunida. Qiimaha ay hada suuqa ka joogto halkii coin ee Solana ahi waa $170. Guud ahaan qadaadiicda (Coins-ka) loogu talo galay in ay suuqa soo galaan waxay dhan yihiin 489,438,988 SOL, balse hada waxaa suuqa ku jira 600.5M SOL. Muga qiimaha ee ay suuga ka taagan tahay guud ahaan Solana wuxuu caga cagaynayaa $88.7 Milyan. Maxaan ka filan karnaa Solana? Solana waxay leedahay mustaqbal fiican, waxayna maraysaa meel ay horu kac fiican ka samayn karto.
Be the first to comment