Awooda ay Binance ku leedahay Suuqa Crypto

Binance waa shirkada ugu wayn ee dhanka sarifka lacagaha crypto-da iyo ka ganacsigeedaba. Qiimayn lagu sameeyey sannadkii 2023 ayaa waxaa lagu ogaaday in ganacsigeeda maalinlaha ahi gaadho $85 bilyan, Waxaa intaas dheer oo ku xidhan macaamiil dhan 272 milyan oo daafaha dunida ku nool. Sumcad wayn ayey ku dhex leedahay dunida, waana mid kamida shirkadaha loogu aaminka badan yahay dhanka sarifka crypto-da iyo ka gacnacsigeedaba. Waxay dhistay Platforms macmiisheeda u sahlaaya in ay ku sarifaan, ku iibiyaan ama isaga iibiyaan noockasta oo crypto-da ah. Binance waxay gacanta ku haysaa oo ay bixisaa in ka badan 350 cryptocurrencies oo kala duwan iyo kumanaan siyaabood oo lagu kala iibsado. Binance waxay haysataa xadi Bitcoin oo dhan 567,001.81 Bitcoin (BTC) taas oo u dhiganta $58 bilyan marka lagu qiimeeyo qiimaha hada ay marayso bitcoin-tu. Gaba-gabadii Bitcoin-ta ugu badan aduunka waxaa haysta Satoshi waxaa lagu qiyaasaa in uu haysato in ka badan 1.1 milyan BTC, oo qiimo ahaan ku dhaw $78 bilyan, qiimayntan ayaa soo baxday bishii March 2024.

JustMarkets

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*