
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah u gaaray caasimadda Sucuudiga ee Riyadh, taasoo ah booqashadiisii ugu horreysay ee caalami ah tan iyo markii loo doortay mar kale madaxweynaha. Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xiriirka Maraykanka iyo dalalka Khaliijka, iyadoo la filayo in heshiisyo la taaban karo laga gaaro arrimo ay ka mid yihiin maalgashi, tiknoolajiyad casri ah, tamarta iyo iibka hubka.
Trump ayaa maanta la kulmi doona ganacsato iyo masuuliyiin Sucuudi ah, isaga oo khudbad ka jeedin doona madal maalgashi oo ay sidoo kale ka qeyb-galayaan maalqabeenka Elon Musk iyo madaxda shirkado waaweyn oo Mareykan ah sida BlackRock iyo Nvidia.
Heshiisyada La Filayo
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ogolaatay in ay ka iibiso hub qiimihiisu ka badan yahay $1.4 bilyan oo doolar oo laga iibinaayo Imaaraadka Carabta (UAE), halka Sucuudiga-na la filayo in lagu dhawaaqo heshiis kale oo hub ah intuu socdaalkani socdo. UAE waxay sidoo kale shaacisay qorshe maalgashi oo ah $1.4 tiriliyan oo ay ku maalgelin doonto AI, chips, wax soo saar iyo tamar, iyadoo rajeynaysa in ay noqoto hormuudka tiknoolajiyadda casriga ah sanadka 2031.
Qatar iyo Doorkeeda Istiraatiijiga ah
Qatar, oo martigelisa saldhigga milatari ee ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, ayaa la filayaa in ay Trump kala hadasho sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka difaaca iyo doorka ay ka qaadato dhexdhexaadinta khilaafaadka gobolka sida dagaalka Qaza iyo Afghanistan.
Sucuudiga Oo Doonaya Xoojinta Difaaca Iyo Maalgashiga Nukliyeerka
Riyadh ayaa la sheegay in ay mar kale ku celisay rabitaankeeda ah in ay Maraykanka kala shaqeyso barnaamijka tamarta nukliyeerka ah, balse khilaaf ayaa ka taagan in Sucuudigu ku adkeysanayo in ay uraniyum-ka gudaha dalkeeda ku kobciso, taasoo walaac galisay Maraykanka iyo Israa’iil.
Trump ayaa la rumeysan yahay in uu doonayo in safarkan uu ku muujiyo awoodiisa heshiis-dhameystireedyo caalami ah, isaga oo sidoo kale rajeynaya in uu xakameeyo qiimaha shidaalka aduunka. Waxaa la filayaa in uu booqdo dhulka taariikhiga ah ee Dir’iyah iyo At-Turaif, kahor inta uusan ka qeybgelin casho sharaf la xiriirta martigelintiisa.
Safarkan kama mid aha Israa’iil, taasoo ay si gaar ah u dareemeen madaxda Israa’iil. Saraakiil Israeli ah ayaa isku dayay in ay codsadaan in Jerusalem ama Tel Aviv lagu daro socdaalka, balse Trump ayaa arrintaas ka meer-meeray, iyadoo warbixinno tilmaamayaan in aysan jirin wax guul ah oo degdeg ah oo laga filayo dhanka khilaafka Gaza ama xiriirka Maraykanka iyo Iran.
Warkan wuxuu saamayn muuqata ku yeelan karaa suuqyada maaliyadda, gaar ahaan Forex-ka. Marka hore, haddii safarka Trump uu horseedo heshiisyo dhaqaale oo ballaaran, sida kuwa ku saabsan hubka, tiknoolajiyadda iyo tamarta, waxay sare u qaadi karaan kalsoonida lagu qabo dhaqaalaha Mareykanka, taas oo sababi karta in doolarka Mareykanka (USD) uu xoogaysto. Dhanka kale, iyadoo lacagta Sucuudiga (SAR) si toos ah ugu xidhan tahay doolarka, haddana xasilloonida siyaasadeed iyo heshiisyada maalgashi ee laga yaabo in lagu dhawaaqo waxay kordhin karaan suuqyada Khaliijka, taas oo sii xoojin karta dhaqaalaha gobolka.Sidoo kale, haddii socdaalkani keeno isbedel ku yimaada qiimaha saliidda, iyaduna waxay si toos ah u taaban doontaa lacagaha sida Doolarka Kanada (CAD) iyo Krone-ka Norway (NOK), maadaama dhaqaalahooda uu si dhow ugu xiran yahay saliidda. Kororka qiimaha saliidda wuxuu kor u qaadi karaa lacagahaas, halka hoos u dhaca uu dhaawici karo.Gebogabadii, saameynta warkani waxay si dhow ugu xidhnaan doontaa natiijada ka dhalata booqashada: haddii ay tahay mid heshiisyo la taaban karo dhalisa,
Be the first to comment