

Waa sheeko caan ah oo dhif iyo naadir ka ah taariikhda lacagaha dhijitaalka ah, gaar ahaan Bitcoin. Qisadan waxay dhacday 22-kii May 2010, waana waxa maanta loo yaqaanno Bitcoin Pizza Day. Sheekadu waxay ku saabsan tahay nin lagu magacaabo Laszlo Hanyecz, oo u dhaashay wadanka Maraykan ah. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee lacagta Bitcoin ku iibsada shay. Wuxuu Laszlo rabay inuu arko haddii Bitcoin loo adeegsan karo in wax lagu iibsado oo wuxuu doonaayey in sidii lacag caadi ah loo isticmaalo, xiligan caan may ahayn Bitcoin wax saamayn ahna kumay lahayn dunida. Laszlo ayaa soo dhigay qoraal bar qoraalada lagu wadaagi jiray oo u khaas ahayd Bitcoin oo la odhan jiray BitcoinTalk forum uu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo 10,000 Bitcoin si uu u helo laba xabbo oo pizza ah. Ujeeddadiisu waxay ahayd in uu helo cunto isaga oo lacagta Bitcoin adeeg-sanaaya. Ugu dambeyn, qof kale oo ka mid ahaa dadka isticmaali jiray forum-ka Bitcoin Talk oo xiligaas caan ahaa ayaa ka aqbalay dalabkiisa, wuxuuna Laszlo u diray labadii pizza ahaa ee uu dalbaday. Wuxuuna isagu sidaas ku qaatey 10,000 bitcoin. Xilligaas, qiimaha 10,000 Bitcoin wuxuu ahaa ku dhawaad $40 ilaa $50 USD. Laakiin maanta (xiligan aan qormada qoraayo), 10,000 Bitcoin waxay u dhiganta $996 milyan, taas oo ka dhigaysa pizza-dii ugu qaalisanaa taariikhda! Mar la waydiiyey Laszlo wuxuu sheegay in hadii aanu sidaas samayn lahayn maanta halka ay taagan tahay lacagta Bitcoin iyo qiimaha ay leedahay aysan lahaateen. Qisadan waxay si wayn ugu suntan-tahay oo calaamad u tahay bilowgii isticmaalka lacagta ee Bitcoin, waana sababta 22-ka May loo xuso sanad walba si loogu dabaaldego horumarka lacagaha dhijitaalka ah
Good